Hiiraan Online
1/17/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Dec 22, 2024
Faransiiska oo sheegay in ay taageerayaan sidii ay Itoobiya ku gaari lahayd Badda Cas
Axad, December 22, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay hamiga istaraatiijiga ah ee Itoobiya ee ah in ay galaangal ku yeeshaan Badda Cas iyo in la howlgaliyo ciidamada rasmiga ah ee badda Dowladda itoobiya.
Bayaankaan ayaa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ku qabteen Addis Ababa, taasoo hoosta ka xariiqday sida ay Faransiiska uga go’an tahay xoojinta awoodda milateri, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Itoobiya.
Madaxweyne Macron ayaa ballan qaaday kaalmo dhinacyo badan leh si loo fududeeyo dadaalka Itoobiya ay ku xaqiijineyso inay hesho marin ganacsi oo dhanka biyaha gobolka.
Bishii April ee sanadkan, Faransiisku waxa uu diiday qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku dhaliilay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo markii hore uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay mid xad-gudub ku ah Qaranimada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa markii dambe dib u eegis ku samaysay mawqifkeeda, iyada oo ogolaatay in Itoobiya marin biyood ay ka hesho Soomaaliya.
Dhammaan arrimahaani oo dhami ayaa ka tarjumaya xiisaha sii kordhaya ee juqraafiga siyaasadeed ee Badda Cas, waxana uu hoosta ka xariiqay iskaashiga istiraatijiyadeed ee Faransiisku la leeyahay Itoobiya horumarinta xasilloonida gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha.