1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2024
Jubbaland oo been abuur ku tilmaamtay eedeyn uga timid Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya
 

Talaado, December 24, 2024 (HOL) - War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubbaland waxa ay been abuur ku tilmaamtay eedeyn ay Hay'adda duulista Rayidka Soomaaliya ay ku sheegtay in Kismaayo lagu afduubtay diyaaradda Halla Airline 23-kii December 2024, waxaana ay wasaaraddu cadeeysay in Garoonka Kismaayo uusan ka dhicin wax amni xumi ah.

Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland ayaa sheegtay in hay'adda duulista Rayidka Soomaaliya ay ku dhex milantay siyaasadda ay isku hayaan Jubbaland iyo Dowladda Federaalka, waxaana sidoo kale ay sheegtay in Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed joojisay dhammaan duulimąadyadii rayidka ahaa ee aadi jiray goballada dalka taariikhdu markay ahayd 6-dii December 2024.

Jubbaland ayaa sheegtay in horey ay Dowladda Federaalka amartay dhammaan diyaaradaha inay ciidan iyo hub u daabulaan magaalada Raaskambooni, taasoo gebi ahaanba ka hor imaanaysa xeerarka duulimaadka Rayidka.

War saxaafadeedka Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay horay u joojisay duulimaadyadii tagi jiray degmooyinka Doolow iyo Baardheere ee Gobalka Gedo halka ay maanta joojisay gabi ahaanba duulimaadyadii rayidka ahaa ee Magaalada Kismaayo.

Arinta diyaaradaha Halla Airlines, waxa ay Jubbaland cadeeysay in ay qaaday masuuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee Jubbaland, islmarkaana aanu jirin wax ciidan ama hub ah oo ay qaaday diyaaradaasi oo si sharci ah looga kiraystay shirkadda.