1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2024
Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo "Rakaab soo rabay inay usoo safraan Muqdisho oo Caafimaad darro u Geeriyooday"
 

Arbaco, December 25, 2024 (HOL) - Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo Cabdirisaaq Sheekh Aadan ayaa sheegay in maalintii labaad uu hakad ku jiro duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka bixi jiray magaalada Kismaayo, waxa uu shaaca ka qaaday in Dhoobleey iyo Dolow sidaan oo kale muddo bil ah looga xanibay inay duulimaadyada tagi karaan.

Maareeyaha Garoonka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xayiraada duulimaadyada ee Kismaayo ay ka dhalatay dhibaatooyin bini'adamnimo, waxa uu cadeeyay in dad soo rabay inay howlo caafimaad u yimaadaan Muqdisho ay Geeriyoodeen, maadama bukaanada qaar ay u baahnaayeen inay dalka dibadiisa aadaan, waxaana adag in Diyaarad ka baxda Kismaayo ayyan tagi karin Nairobi ayna dadka ku qasban yihiin inay tagaan magaalada Muqdisho.

Hay'adda Duulista hawada Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in Diyaarad ay leedahay Shirkadda Halla Airlines laga afduubtay magaalada Kismaayo taana ay keentay in diyaaradihii kale ee duulimaadka ku bixin jiray ay joojiyaan inay tagaan magaaladaasi oo ay baqdin ka muujiyeen amaanka Garoonka, waxaana Hay'adda ay shaacisay inay wado baaritaanka falkaasi lagula kacay Diyaarada Halla.

Maareeye Cabdirisaaq Sheekh ayaa eedeeyn ugu dusha ugu tuuray Dowladda federaalka inay shirkadihii duulimaad ay ku qasbeyso inay kahadal siiso si ay u dhaleeceeyeen Maamulka Jubaland, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Hay'addi Duulista Hawada ay ka dhawaajisay in Jubaland ay afduubtay mid kamid ah Shirkadaha duulimaadka ku taga.

Sanadkii 2019kii sidaan oo kale Dowladii hore madaxweyne Farmaajo ayay xayiraad ugu soo rogtay magaalada Kismaayo maadama ay madaxdii xilligaasi iyo Jubaland ay isku maandhaafeen doorashadii ka dhacday Kismaayo ee uu kusoo baxay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.