Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2024
Wasiir Fiqi oo beeniyay inay Itoobiya u ogolaadeen marin biyood ay ku gaaran Badda Cas
Arbaco, December 25, 2024 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa bartiisa X waxa uu ku beeniyay in Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaatay marin biyood ay ku gaarayaan badda Cas, waxaana uu wasiirka carabka ku dhuftay in wararkaasi ay yihiin kuwa aan sal iyo raadba lahayn.
Hadalka Wasiirka ayaa yimid saacado kadib markii baraha Bulshada iyo warbaahinta gudaha ay qabsadeen wareysi uu wasiir Fiqi siiyay Jariidada Al Sharq oo uu usheegay in Itoobiya heli doonto kaliya dekad ganacsi kaliya taa oo ay Dowladda Soomaaliya ku korjoogteyn doonto.
Wasiir Fiqi waxa uu wareysigiisa uu ku sheegay in Itoobiya ay ku xadgudbeyso heshiiskii madaxda Dowladda iyo Itoobiya ay ku gaareen magaalada Ankara isagoona cambareeyay dagaal la sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb galeen kana dhacay degmada Doolow.
Waqti hore oo maanta ah Dowladda Eritrea ayaa si taxadar leh waxa ay Soomaaliya uga digtay in heshiiskii Ankara Soomaaliya lagu qiyaameeyay oo ay ku jiraan madmadow.
Dowladda Soomaaliya waxa ay 11ka Bishaan December ay heshiis kula gashay magaalada Ankara ee dalka Turkiga Dowladda Itoobiya si loo dhameeyo khilaaf ka dhashay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ay galeen horaantii sanadkaan.