1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2024
Booliska Soomaaliya iyo Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka shiray hanaanka Amni ee Doorashooyinka qof iyo Codka ah
 

Khamiis, December 26, 2024 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo Soohdimaha Cabdikarim Axmed Xasan oo uu wehlinaayay ku xigeenkiisa Saadaq Abshir Garaad.

Kulanka ayaa ahaa mid labada dhinac ay  diiradda ku saareen sidii Booliiska Soomaaliya uu u xaqiijin lahaa amniga doorashada qof iyo codka ah oo lagu wado iney ka dhacdo dalka.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa guddiga doorashooyinka iyo Soohdimaha u balan qaaday in Booliiska Soomaaliyeed uu si buuxdo ugu diyaar garoobay xaqiijinta amniga dalka iyo kan doorashooyinka qof iyo codka ah.

"Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa u diyaarsan sugidda amniga Doorashada waxayna awood buuxda u leeyihiin ilaalinta goobaha cod bixinta iyo habsami u socodka Doorashada dhawaan la rajeynayo in Dalka laga hirgeliyo" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Kulanka ayaa qeyb ka noqoya kulamo gooni gooni ah oo ay Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ay ku doonayaan in dalka ay kaga hirgaliyaan qabashada doorasho daahfuran oo hufan.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa labada dhinac waxay isku wafaqeen in dhawaan loo howlgalo sidii loo dejin lahaa qorshaha sugidda amniga doorashada degmooyinka, iyadoo laga wada qayb gelinaayo dhamaan heerarka kala duwan ee hay'adaha amniga dalka.