Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2024
Sheekh Shariif oo cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee loo geystay ciidamo ka tirsan Dowladda
Sabti, December 28, 2024 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay koox maleeshiyo hab qabiil u abaabulan ay ku dileen 7 askari oo ka tirsan ciidanka Qaranka Soomaaliya kuwaas oo kusii jeeday Magaalada Beledweyne.
Ciidankaan ayaa meydkoodi shalay lageeyay Gobolka Hiiraan si halkaasi loogu aaso, waxaana odayaasha dhaqanka ay walaac ka muujiyeen dilka foosha xun ee askartaan lagula kacay ee hab qabiil loogu ugaarsaday degaanka Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sheekh Shariif oo sidoo kale ah Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa yiri "Waxaan aad uga xumahay dagaaladda sokeeye ee ka socda qeybo badan oo dalka ka mid ah iyo dhiiga soomaaliyeed ee micno darrada loo daadinayo waxayna dhacdooyinkaasi muujinayaan fashil siyaasadeed iyo rajo beel bulsho."
Waxa uu Sheekh Shariif si gaar ah uga tacsiyadeyay dhacdadii Shabeellada Dhexe ee lagu dilay askar Soomaaliyeed waxaana uu ku tilmaamay inay ahayd arrin laga naxo.
Ugu dambeyn Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in la jooiyo falalka gacan kahadalka ee salka ku haaya qabaailka waxana uu soo jeediyay in laga shaqeeyo midnimada dadka Soomaaliyeed.