1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2024
Wasiir Karoore "Dadkii Askarta Qaranka ku dilay Ceel baraf waa la yaqaan sharciga ayaana la horkeeynaya si deg deg"
 

Sabti, December 28, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Hirshabelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu shaqada kaga joojiyay gudoomiyahii deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shaqa ka joojinta lagu sameeyay gudoomiyahii deegaanka Ceel baraf Yuusuf Xasan Xuurshoow ayaa la xariirta falkii maalin ka hor ka dhacay duuleedka deegaankaas ee lagu dilay ilaa 6 askari oo ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka oo kusii jeeday gobolka Hiiraan, kuwaas oo loo dilay aano qabiil.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay in guddoomiye Yuusuf Xasan uu ka gaabiyay shaqadii loo igmaday, islamarkaana uu shaki soo galay shaqadiisa.

"Qofka hadii laga shakiyo shaqo dowladeed ma sii qadi karo ilaa uu ka shaki baxo, gudoomiyaha Ceel baraf shaqadiisa ayuu ka gaabiyay sidaas ayaa shaqada looga joojiyay" ayuu yiri Wasiir Karoore.

Karoore ayaa sidoo kale xusay in la garanayo ragii geystay dhibaatadii dhacday ee lagu dilay askarta Qaranka, islamarkaana lagu raad joogo, wuxuuna ugu baaqay beesha askartaasi laga dilay iney is dajiyaan oo ay sugaan dadaalada ay wadaan Hirshabeelle iyo dowladda Fedaraalka.

"Dadka falka foosha xun geystay waa la yaqaan waana la soo qabana sida u dhaqsiyaha badan, way dhuunteen lakiin ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa Hirshabeelle ayaa ku raad jooga waana lasoo qabana sharciga ayaana la horkeenaya" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore.

Shaqa ka joojinta guddoomiyaha Ceel baraf ayaa kusoo aadeysa, iyadoo deegaankaas sanad iyo bar ka hor sidaan oo kale halkaas loogu dilay askar ka tirsaneyd ciidanka Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeday gobolka Hiiraan.