1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2024
Madaxweynaha Masar oo sheegay inay si dhow ula socdaan heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya

 

Axad, December 29, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in ay si dhow ula socdaan heshiiska ay wada gaareen Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhex dhexaadinta Turkiga.

Madaxweyne Siisii ayaa rajo ka muujiyay in uu heshiiskaan ka qeyb qaadan doono xaqiijinta ammaanka iyo xasiloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Masar.

Waxa ay ku soo beegantay xilli uu al-Sisi talefoon ku qaabilay dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron.

Al-Sisi ayaa intaa ku daray in uu si dhow ula socdo heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhex dhexaadinta Turkiga.

Waxa uu sheegay in uu rajaynayo in heshiiskani uu ka qayb qaato xaqiijinta ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu noqdo mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Madaxweynaha Masar ayaa carrabka ku adkeeyay xidhiidhka dhow ee ka dhexeeya ammaanka iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga qaranka Masar."

Waxa uu tilmaamay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii ay Soomaaliya u taageeri lahayd si loo gaaro amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.