12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2024
Raysal wasaare Xamse "Waxaan amaanaya ciidamada Jubbaland ee ilaaliyay inuu dhiig daato, lana midoobay walaalahooda Federaalka"
 

Talaado, December, 3, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si weyn u boggaadiyay ciidamada ka tirsan Jubbaland ee maalmahii ugu dambeeyay kusoo biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbadda Hoose.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in u jeedka loo geeyay ciidanka xoogga dalka deegaanka Raas kambooni ay tahay xaqiijinta amaanka deegaankaas iyo deegaanada kale oo ay ka baxeen ciidanka ATMIS si aysan u qabsan kooxda Al-shabaab.

"Ujeedka Raas kambooni ciidanka ugu daad gureysay dowladda Fedaraalka waa ineysan qabsan Al-shabaab iyo in ciidanku la wareegaan goobaha ay baneeyeen ciidanka ATMIS, maamulka degmada Badhaadhe iyo dadka degmadaas waxay Jubbaland ka dalbadeen ciidan la wareega amaanka goobaha ay baneysay ATMIS, laakiin Jubbaland way diiday dalabkas, kadibna dowladda Fedaraalka ayay kasoo dalbadeen ciidan sidaas ayaana lagu geeyay ciidanka xoogga deegaanla Raas kambooni" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka in madaxda Jubbaland ay hurinayaan colaad iyo dagaalo dhexmara ciidamo Soomaaliyeed, taasina ay tahay mid nasiib daro ah.

“Haddii qof masuul ah isku dayayo inuu isku diro ciidamada qeybahooda kala duwan, waxaan amaanaya ciidamada geesiyada ah ee Jubbaland, iska ilaaliyay inuu dhiig daato, lana midoobay walaalahooda Federaalka, dowladda waa ay idiin abaal gudi doonta” ayuu Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hadalkaan kasoo yeeray Raysal wasaare Xamse ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay cirka isku sii shareereysay xiisada u dhaxeysa maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka, taasoo sii adkaatay wixii ka dambeeyay doorashadii 25-kii bishaan ka dhacday Kismaayo ee markii sadaxaad dib loogu doortay Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.