1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2024
Jeneraal Odowaa oo shaqa joojin ku sameeyay Taliyihii ciidamada Badda Soomaaliya
 

Isniin, December 30, 2024 (HOL) - Taliyaha Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa shaqada ka joojiyay Taliyaha Ciidamada Badda iyo Difaac Xeebaha Soomaaliya Jeneraal Cabdi Warsame Cismaan, waxaa jira baaris musuq maasuq oo ku soconayo taliska ciidanka Badda ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowa Yuusuf Raage waxa uu shaaca ka qaaday in inta baaritaanka uu ka dhamaanayo uu taliyaha shaqa joojinta uu ku sameeyay uu baaqi kusii ahaan doono Gurigiisa.

Warqad ujeedadeedu ay ahayd reesto Sarkaal kuna saxiixnaa Taliyaha ciidanka Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa lagu yiri "Laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 26.12.2024, waxaan S/Guuto X/8512 Cabdi Warsame Cusmaan Maalin, oo ah Taliyaha Ciidanka Badda & Difaaca Xeebaha XDS ku reesteeyay Gurigiisa inta ay ka dhamaaneyso baaris lagu sameynaayo Taliska Ciidanka Badda & Difaaca Xeebaha XDS, sababta Reestada wuxuu ku muteystay musuq maasuq, waxaana shaqada Taliska Ciidanka Badda & Difaaca Xeebaha XDS sii wadaya G/le Dhexe X/8525 Cabdiwaaxid Cali Afax Nuura".

Dhowaan ayay ahayd markii taliyaha shaqada laga joojiyay lagu wareejiyay doonyo dheereeya oo loogu talagelay difaaca Xeebaha Soomaaliya.

Waxaan la ogeyn nooca musuq maasuq uu taliska badda Soomaaliya wajahayo, balse waxaa xusid mudan in horaantii sanadkaan Dowladda Mareykanka ay hakisay cunnadii ay siin jirtay ciidanka kumaandooska Danab, kadib markii ay soo shaac baxday musuq-maasuq ku saabsan iibsashada gargaarka cuntada iyo shidaalka ee lasiiyo ciidamada Danab.