1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2024
Raysal wasaare Xamse "Dilka askarta Qaranka waa fool xumo aan wali horay noo soo marin"
 

Isniin, December 30, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay askartii ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka ee 26-kii bishaan lagu dilay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo loo dilay arrimo la xariiray aano qabiil.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa falkaasi ku tilmaamay ayaan darro aad u weyn, isagoona xusay in kuwii falkaasi geystay ay yihiin dad qalato aan arxan laheyn.

“Wixii dhacay ee askarta Soomaaliyeed lagu sameeyay dadkii ka dambeeyay dad ma’ahan ee waa dad qalato, waa bahalo, waa wax aad u xun qof adiga ku difaacayo oo naftiisa kuu huray oo adiga ku difaacayo inaad qalato” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Fedaraalka ay ku howlan tahay soo qabashada raggii falkaasi geystay, islamarkaana maxkamada si deg deg ah loo hor keenayo.

"Wiil Soomaaliyeed oo naftiisa kuu huray oo Habeen iyo Maalin kuu taagan inuu ku difaaco in aad disho, Fool xumo ka xun ma jirto, In Soomaali is disho waa cuduradeena mid ka mid ah, laakiin dilka askarta Qaranka waa fool xumo aan weli hore noo soo marin si deg deg ah ayaana sharciga loo horgeynayaa" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hadalkaan kasoo yeeray Raysal wasaare Xamse ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Khamiistii lasoo dhaafay deegaanka Ceel baraf aano qabiil loogu dilay ilaa lix askari oo fasax haystay, islamarkaana kusii jeeday gobolka Hiiraan oo ay dhalaasho ahaan kasoo jeedeen, waxaana xusid mudan in askartaasi meydadkooda ilaa hada inaan la aasin oo ay Farin jeero kula jiraan magaalada Baledweyne.

Dilka askartaas ayaa waxaa ka dhashay caro aad u xoogan, waxaana odayaasha Beesha Xawaadle ay sheegeen inaan la aasi doonin askarta ilaa cadaalada laga horkeeno kooxdii ka dambeysay dilkooda.