Isniin, December 30, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa digniin culus loogu diray dadka baraha bulshada ee Internetka ka dhex hurinaya colaadaha sokeeye ee ka socda qeybo ka mid ah gobolada dalka.
Wasaaradda ayaa Warsaxafadeedkeeda ku sheegtay in talaabooyin adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono shaqsiyaadka ku howlan faafinta iyo hurinta colaadaha sokeeye ee baraha bulshada ku faafiya muuqaalada, sawirada, codadka, qoraallada lagu sii hurinayo colaadaha.
“Wasaaradda oo gudanaysa waajibka saaran waxay halkaan digniin ugu jeedinaysaa isticmaalayaasha baraha bulshada ee ka qeyb qaadanaya fitnada iyo hurinta colaadaha, dowladdu waxay qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan oo lagu xakamaynayo qofkasta iyo aalad kasta oo loo adeegsado hurinta dagaalada sokeeye ee lagi faafinaayp muuqaalada, sawirada, codadka, iyo qoraallada naxdinta ” ayaa lagu yiri Warsafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Qoraalka Wasaraadda Warfaafinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Wasaaraddu ay si dhow ula socoto aaladaha baraha bulshada iyo warbaahinada loo adeegsanayo hurinta colaadaha oo ay sida qaldan u isticmaalayaan shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya kicinta dagaalada.
Wasaaradda ayaa sidoo kale mahad celin balaaran u jeedisay qaar ka mid ah isticmaalayasha baraha bulshada iyo Warbaahinada qaar oo soo gudbiya fariimaha wanaagsan ee wacyigalinta ah, kuwaas oo ay ku tilmaamtay iney yihiin tusaalaha wanaagsan ee maanta loo baahan yahay.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaraadda Warfaafinta Soomaaliya oo dhameystiran:-