Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran oo shaacisay in Soomaaliya ay cagta la gashay marxalad abaar oo aad u daran
Talaado, December 31, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ku dhawaaqay in dalku galay marxalad abaar oo adag, Waxaa uu ku baaqay in loona baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, arintaan waxa uu ku micneeyay inay ka dambeeysay kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii Dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November.
Shir Jaraaid uu ku qabtay Xarunta SODMA, Maxamuud Macallin ayaa sheegay in sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay, in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah, 3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah.
Dadkaan waxa uu ku sheegay in ay wajahayaan xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen.
Hay’adda SODMA waxa ay tilmaamtay iyada oo ka jawaabeysa saameynta abaartaan oo ah mid xaddigeedu weyn yahay ee Saddexdii bilood ee la soo dhaafay gargaar gaarsiisay 2.1 milyan oo qof, kuwaas oo wali u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani’aadannimo, iyadoo 1.45 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha Dowladda, dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo deeq-bixiyayaasha, in wadajir loogu istaago u qareemidda gargaarka iyo sidii looga hortagi lahaa in abaartu ka gudubto xaddiga ay hadda joogto, halka uu u mahad-celiyay dowladaha iyo deeq-bixiyayaasha taageerada muujiyay.