Talaado, December 31, 2024 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo gaaray Wafdi Odayaal ah oo uu hoggaaminaayay Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar, waxaana wafdiga si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baledweyne Odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle iyo qeybaha kala duwan ee beeshaas.
Ujeeska wafdigaan ka socda beesha Mudulood ay maanta u tageen Baledweyne ayaa ah mid la xariira xal u helista xiisada culus ee ka dhalatay askartii dhawaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee aanada qabiil loo dilay.
Imaam Daahir Imaam Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Baledweyne ayaa si kooban uga wabixiyay ujeedka safarkooda ee magaalada Baledweyne.
“Waxaan usoo gole fadhiisanay inaan xal ka keenno dhacdadii Ceel-baraf oo ahayd mid aanan raalli ka ahayn, waxaan sidoo kale ka mahad celinaya soo dhaweynta qiimaha badan ee inoo sameeyeen walaalaheena Xawaadle” ayuu yiri Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud.
Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo ah Ugaaska beesha Xawaadle ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin sidii xal looga gaari lahaaa xiisadda ka dhalatay askartii lagu laayay deegaanka Ceel Baraf.
“Imaam soo dhawoow, dadkaaga ayaa u imaatay, arrinta aad u timidna waa xalismee, culeys badan ma jiri doono, xalka aad waddaan waan idin kusoo dhaweyneynaa” ayuu yiri Ugaaska Xawaadle Ugaas Yuisuf.
Khamiistii lasoo dhaafay ayay aheyd markii deegaanka Ceel baraf lagu dilay ilaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax kasoo qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, islamarkaana ayagoo kusii jeeda gobolka Hiiraan maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ay ku dileen deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ugu dambeyntii waxaa sidoo kale maanta gaaray magaalada Baledweyne wafdi uu hogaaminaayay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku matala beesha Xawaadle, waxaana xusid mudan inaan wali la aasin meydadka askartii lagu laayay Ceel baraf oo ay ku jiraan Firin jeero.