Hiiraan Online
12/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2024
Madaxii Maaliyadda Kooxda Al shabaab ee Degmada Buur Hakaba oo lagu qabtay
Arbaco, December, 4, 2024 (HOL) - Howlgal Qorshaysan oo laga fuliyey Deeganka Buur-Helede oo Hoostagta Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay ayaa lagu soo qabtay madaxii Al-shabaab u qaabilsana dhinaca maaliyada degmada buur-hakaba.
Sarkaalkaan gacanta lagu soo dhigay ayaa magaciisa waxaa lagu sheeegay Aliyow Isaaq Macalin oo ah madaxii Maaliyada u qaabilsanaa Kooxda Al Shabaab Nawaaxiga Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay.
Taliyaha Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed Qeybta Degmada Buur-Hakaba Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) ayaa Hogaaminayey Howlgalka lagu soo qabtay sarkaalkaan dhinaca Maaliyada u qaabilsana Al Shabaab.
Sidoo kale saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed ayaa sheeegay in xilliga la soo qabanayey Aliyow Isaaq ku howlanaa u jarista Boonooyinka Baabuurta isticmaaala Wadooyinka kala Duwan Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed.
Mudooyinkii ugu dambeeyey Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Buur-Hakaba ayaa Waday Howlgallo Qorshaysan oo ka dhan ah Kooxda Al shabaab.