12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2024
Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka oo si rasmi ah loo xiray
 

Khamiis, December, 5, 2024 (HOL) - Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku wargeliyay xildhibaanada Golaha Shacabka in maanta si rasmi ah loo xiray Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka sida lagu sheegay warqad qoraal ah oo kasoo baxday Xafiiska Gudoomiye Aadan Madoobe.

Bayaanka kasoo baxay Xafiiska Gudoomiye Aadan Madoobe waxaa lagu yiri " Ugu horeyn waxaan bogaadinayaa una mahadcelinayaa dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS ee sida sharafta iyo qiimaha leh u gutay waajibaadkooda dastuuriga ah, muddadii aan ku guda jirnay kalfadhiigii 5aad ee Golaha Shacabka ee BJFS, Annigoo gudanaya waajibaadkeyga dastuuriga ah waxaan Dhammaan Xildhibannada Madasha 11aad ee Golaha Shacabka BJFS, ku wargelinaynaa in laga bilaabo 6da Bisha December 2024 uu noo xirmay Kalfadhigii 5aad, Si waafqsan Qodobka 66(2) ee Dastuurka iyo Qodobka 14(2) ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka BJFS, Waxaan dhammaan Xildhibaannada ku wargelinaynaa in kalfadhigii 5aad inoo xirmay laga bilaabo 6da Bishan December 2024, wuxuuna inoo furmi doonaa haddii Allah idmo 6da bisha Febraayo 2024"

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 2 Nofembar 2024, xildhbaanada labada aqal ka codsaday inay bishii fasaxa ay gali lahaayeen ka shaqeeyaan howlaha hortabinta u leh shuruucda doorashooyinka qof iyo codka ah ee la rabo in dalka ay ka qabsoonto.

Sidoo kale xildhibanada ayaa laga dalbaday inay dhameystiraan qorshooyin ay soo ansixiyeen golaha wasiirada kuwaas oo la arabay inay meel mariyaan baarlamaanka.

Mudadaas koobneyd ayay Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay ku meel mariyeen xeerarka doorashooyinka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha oo ay Golaha wasiirada soo ansixiyeen.