12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2024
Daacish oo la ogaaday inay howlo macdan gurasho ah ka waddo deegaanada fog fog ee Puntland
 

Khamiis, December, 5, 2024 (HOL) - Kooxda Daacish ee ku sugan deegaano katirsan Puntland ayaa lagusoo waramayaa inay ku howlan yihiin qodista dahabka deegaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha sirdoonka Puntland, oo naga codsaday inaan qarino magaciisa, ayaa u sheegay warbaahinta HOL, in hay’adaha ammaanka Puntland ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada macdan qodista ee Daacish ay ka waddo deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bari, gaar ahaan meelaha fog-fog ee ay adag tahay in ciidamadu ay gaaraan.

Sarkaalkan ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Daacish ay ku hawlan yihiin sidii ay dhaqaale ugu heli lahaayeen macdanaha ku jira gobolka. Dadka ku nool degaanada ay ku sugan yihiin ayaa lagusoo waramayaa inay Daacish lacago u qortay si aanay uga hor imaanin dhaqdhaqaaqyada macdan qodista.

“Waxaan si dhow ula soconnay dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobolka, waxaana muuqata in Daacish ay howlo macdan qodis ah ka sameeyeen buuraha Bari,” ayuu yiri sarkaalku.

Howlahan dahabka lagu qodayo ayaa sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, waxaa la rumeysan yahay in ay gacan ka geysteen xoogsato deegaanka ah, kuwaas oo dhaqaale lagu siiyay in ay u shaqeeyaan kooxda Daacish.

Cabsi ayaa laga qabaa in dhaqaalaha ay Daacish ka hesho howlaha macdanta qodista ay u adeegsato falalka amni darrada ah oo ay ka mid yihiin weerarro ay ka geystaan magaalooyinka Puntland sida Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin uu ku xakameynayo kororka Daacish. Madaxweyne Deni ayaa ciidamo badan iyo gaadiid dagaal ku  daabulay Boosaaso.

Khubarada dhanka ammaanka ayaa ka digaya in Daacish oo ah awood ku sii kordheysa Puntland ay saameyn ballaaran ku yeelan karto Geeska Afrika, gaar ahaan iyagoo doonaya inay gaaraan meelo ka baxsan deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab.