12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2024
Jubbaland oo shaacisay in ciidamadeedu duqeeyeen diyaarad ka dageysay deegaanka Raas kambooni
 

Sabti, December, 7, 2024 (HOL) - Maamul goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyay in galinkii dambe ee shalay hubka culus ee lidka diyaaradaha iney ku weerareen diyaarad ka duushay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ka dageysay garoonka diyaaradaha deegaanka Raas kambooni.

Jubbaland ayaa war qoraal ah ay soo saartay ku sheegtay in diyaarada lidka diyaaradaha ku weerareen ciidamadeeda iney siday shixnad iyo saanad militari oo ay u waday ciidanka dhawaan geysay dowladda Soomaaliya deegaanka Raaskanbooni.

"Ciidamada Jubbaland ayaa galabta 5:20pm qoryaha lidka diyaaradaha ku garaacay diyaarad shixnad u sidey maleesshiyaadka lagu daabuley Raaskaambooni. Diyaarada ayaa jihadii ay ka degi jirtey ka carartey kana soo degtey dhanka xuduuda Kenya, ayadoo markii ay ka duulaysay garoonka diyaaradaha Raaskambooni faro caaradood kaga fakatey rasaasta ciidamada Jubbaland ku ridayeen" ayaa lagu yiri warka lagu baahiyay Tv-ga Jubbaland.

Qoraalka kasoo baxay Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada maamulkaas ay fariisimo ka sameeysteen meelo aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

"Ciidamada Jubaland waxaa ka go’an sidii looso afjari lahaa maleeshiyada Xamar diyaaradaha lagaga soo daabulay si ay u khalkhal galiyaan amniga deegaanada Jubaland" ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay Tv-ga Jubbaland.

Warkaan kasoo baxay Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay dowladda fedaraalka ay hakad galisay dhamaan duulimaadyadii dalka, kadib markii dowladda iyo shirkadaha diyaaradaha isku fahmi waayeen duulimaadyo dowladda ku dooneysay in Raas kambooni loogu geeyo ciidan iyo saanad militari.