12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2024
Khilaaf u Dhexeeya Duqa Hargaysa iyo Qaybo kamid ah Bulshada oo Soo Shaacbaxay
 

Axad, December, 8, 2024 (HOL) - Waxa soo shaacbaxday in dadwaynaha ku dhaqan qaybo kamid ah xaafadaha Hargaysa ayna ku qanacsanayn waxqabadka Maayarka Hargaysa, kadib mudaharaado lagaga soo horjeedo oo ka dhacay qaybo kamid ah Hargaysa.

Kadib muddo 3 sanno ah oo badi shacabku ay u sacab tumayeen Maayar Cabdikariin Axmed Mooge, dadwaynaha ku dhaqan degmooyinka Koodbuur, 26 Juun, Gacan Libaax iyo degmooyin kale, ayaa muujiyay in anay ku qanacsanayn waxqabadka duqa magaalada.

Dhawaan ayay mudaharaado ka dhigeen xaafadaha qaar iyaga oo codsanaya in Maayar Mooge uu ka dhabeeyo balanqaadyo tiro beel ah oo uu doorashadii 2021 ku galay; balanqaadyadaas oo sababay in uu noqdo shakhsigii ugu codadka badnaa guud ahaan doorashooyinkii dowladaha hoose iyo wakiilada ee sannadkaas.

Waxa uu balan qaaday in uu Hargaysa ka dhigi doono goob cagaaran, oo uu dhirayn doono, in uu dhisi doono wadooyin laami ah oo leh biyo mareeno iyo meelaha ay dadka iyo baaskiiladuhu maraan, taasi oo ay dadka kasoo horjeeda ku doodayaan in anay qabsoomin kadib 3 sanno oo uu xukunka hayay.

"Maayar kaalay nala xisaabtan, tagsiile ayaan ahay, waxa la iga qaaday cashuur 180 ah, gaadhigaygiina geerash ayuu yaalaa; kaalay na qanci" Khadar Hambabar oo kamid ah dadwayne isugu soo baxay xaafada Xera-awr ee magaalada Hargaysa ayaa sida yidhi.

Abwaan Xasan Daahir Weedgsame oo la hadlaya dadka maayarka baraha bulshada ka difaaca ayaa yidhi "Heegada mayorku miyaanay ogayn in aanu heego ka xoog badan oo madaxweyne ilaalinaysa aanu u joojin weynay? Waar ninkaas waa lala xisaabtamayaaye taaha ha la yaraysto".

Maayar Mooge ayaan ilaa hada kasoo jawaabin codsiga bulshada oo ku salaysan isla xisaabtan, hadaba xukuumada ayaa dhankeeda joojisay mudaharadadan oo qaybo kamid ah bulshadu ay sigaar ah ugu aflagaadeeyeen Mooge.