1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2024
15 jirada Ciyaartoyda Soomaaliya oo maanta u safray dalka Uganda


Isniin, December, 9, 2024 (HOL) - Waxaa maanta garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka ambabaxay Ciyaartooyda Qaranka Soomaaliya ee da'doodu ka yar tahay 15 sano.

Da'yartaan matalaysa Qaranka Soomaaliya ayaa Magaalada Kampala Caasimadda dalka Uganda uga qaybgalaya isreeb reebka Koobka Iskuullada Afrika, gaar ahaan dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Ciyaartooydaan ayaa maanta si heer sare ah looga sagootigayay magaalada Muqdisho, kuwaas oo laga rajeynaayo in tartankaan kasoo hoyaan guulo wax ku ool ah.

Masuuliyiin ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo dadka daneeya Ciyaaraha ayaa ka qayb galay sagootinta da’yartaan magaca Xulka Badweynta Hindiya ku metalaya Soomaaliya tartamada isreeb reebka ah ee ka dhacaya dalka Uganda.

Tartankaan waxaa loo ciyaari doonaa qaab horyaal ah iyadoo dhamaan xulalka ka qeyb galaya ay is wada arki doonaan, waxaana guuleysan doona xulka ugu dhibcaha badan oo si toos ah uga qeybgali doona tartanka CAF African Championship ee dhici doona 2025.

Waa markii sadaxaad ee la qabto tartankaan ka dhici doona garoonka Ciyaaraha ee St. Marys Stadium oo ku yaala Magaalada Entebbe, waxaana ciyaartoydaan da'yarta hoggaaminaya macalinka lagu magacaabi Mahad Maxamed Xaaji ‘Maicon.