1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2024
Somaliland oo Markii Ugu Horraysay Yeelanaysa Xeer Warbaahineed oo Rasmi ah
 

Isniin, December, 9, 2024 (HOL) - Waxa maanta Golaha Wakiilada Somaliland la horgeeyay xeer saxaafadeed oo lagu dhaqi doono warbaahinta Somaliland, kaasi oo noqon doona xeerkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay warbaahinta Somaliland yeelato abid.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cali Xasan Maxamed 'Cali Mareexaan,' oo xeerkan maanta horgeeyay Golaha Wakiilada, ayaa ka warbixiyay muhiimaddiisa, waxaana la aaminsan yahay in uu wax ka tari doono xadgudubyada loo gaysto wariyayaasha iyo hay’adaha warbaahinta.

"Xeerkani wuxuu saxaafadda siinayaa xorriyadaha aasaasiga ah ee dastuuriga ah. Sidoo kale, wixii xadgudub saxaafaddeed ayuu xaddidayaa ama lagula xisaabtamayaa qaab nidaamsan. Xeerkani waxa uu meesha ka saarayaa in haddii saxaafaddu ay xadgudubto loo maro xeerka ciqaabta; waxa loo marayaa nidaam madani ah," ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Xeerkan oo muddo badan qabyo-qoraal ahaa, ayaa waxa isku soo afgartay xukuumadda, Ururka Saxafiyiinta ee SOLJA, iyo hay’ado caalami ah oo ku lug lahaa taabagelinta xeerkan. Xeerkan ayaa waxa si weyn u danaynayay guud ahaanba saxaafadda Somaliland.

"Waa xeer casri ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, diinta Islaamka, shuruucdeena, iyo dhaqankeennaba," ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan, isaga oo sharaxaad dheeraad ah ka siinayay Golaha tayada xeerkan cusub.

Xeerkan ayaa waxyaabaha uu xoogga saarayo waxa ka mid ah ilaalinta xuquuqda lahaanshaha, maadaama oo ay dhacdo in barnaamij uu saxafi ku tabcay ay cid kale iska baahisato ogolaansho la’aan. Sidoo kale, waxa uu saxafiyiinta ka ilaalinayaa in mulkiilayaasha warbaahintu ku xadgudbaan xuquuqdooda.

Sharcigan waxa kale oo uu saxafiga awood u siinayaa in uu xog ka heli karo hay’adaha kala duwan ama ilo-wareedyada. Sidoo kale, waxa uu mamnuucayaa in saxafigu qod qodo xogaha la xidhiidha amniga xasaasiga ah ee baahintoodu ay khatar keeni karto.