Hiiraan Online
1/20/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2024
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay in garoon diyaaradeed cusub ka hirgalineyso Muqdisho
Jimco, Juun, 14, 2024 (HOL) - Maareeyaha guud ee hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Fedaraalka ay wado qorshe garoon diyaaradeed cusub looga dhisayo magaalada Muqdisho.
Maareeyaha hay'adda Duulista Rayidka ayaa sheegay in garoonka cusub laga dhisi doono Ceel macaan, islamarkaana loogu talo galay inuu fududeeyo ciriiriga iyo saxmada joogtada ah ee ka jirta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
"Magaalada Muqdhisho waxay yeelan doonta garoon diyaradeed cusub oo laga heli karo adeegyada ay u baahan yihiin dhamaan nuucyada diyaaradaha ee u kala goosha gudaha dalka iyo dibaddiisa, waan qiimeynay dhulka oo waa dhul ku haboon in laga hirgaliyo dhsimaha garoonka oo waan soo gabagabeynay sahan soo socday mudo 5 shano oo aan ku qiimeyneynay jawiga garoonka cusub" ayuu yiri Maareye Axmed Macalin Xasan.
Ugu dambeyntii talaabadan dowladda ay ku dooneyso in garoon cusub uga dhisto Ceel macaan ayaa ah mid wax badan ka badali doonta dhanka cariiriga iyo mashquulka joogtada ah ee ka jira garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.