Hiiraan Online
11/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2024
Kalluumaysato Soomaaliyeed oo la waysanaa muddo ka badan labo bilood oo nolol lagu helay
Sabti, Juun, 22, 2024 (HOL) - Saddex kaluumaysato ah oo Soomaali ah oo bishii April ee sannadkan lagu waayay badda sare iyaga oo ku jiray howlo kalluumaysi, ayaa laga helay jasiiradda Maldives.
Sida laga soo xigtay booliiska dalka Maldives, saddexda kalluumaysatada ayaa Sabtadii todobaadkan waxaa helay ilaalada xeebaha dalkaas.
Kalluumeysatada ayaa la sheegay in la waayay kadib markii ay howlo shaqo oo kalluumaysi ay ka bilaabeen Xeebaha Badweynta Hindiya ee ku yaalla nawaaxiga magaalada Muqdisho.
Booliiska Maldives ayaa sheegay in saddexda qof ay caafimaad qabaan.
Maamulka Maldives ayaa intaa ku daray in ay xiriir la sameynayaan dhiggooda Soomaaliya ay ku howlan yihiin soo celinta kalluumeysatada.