1/20/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 4 , 2024
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo xoriyadooda usoo celisay labo masuul oo u xirnaa masuq maasuq
 

Talaado, Juun, 4, 2024 (HOL) - Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Talaado ah go’aan ka gartay labo Agaasime oo hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaddib markii lagu soo eedeeyay eedeymo la xiriira musuq maasuq, iyadoo horey ugu xukuntay saddex sano oo xarig ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Siciid Cali Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in aanay wax dembi ah ku helin Agaasimeyaashii hore ee Wasaaradda, C/laahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar, isagoo ku amray hay’adaha ay khusayso in la sii daayo oo xorriyadooda dib loogu celiyo.

Waxa uu sheegay in Maxkamadda ay ku xukuntay C/waaxid Muxsin Ibraahim saddex sano oo xarig ah.

Raggan ayaa xabsiga ku jiray labadii sano ee la soo dhaafay, kaddib markii loo xiray arrimo musuq-maasuq oo ay ka sameeyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horey wax dambi ah ugu weyday saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka, oo lagu eedeeyay musuq maasuq.