1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2024
Hay’adda IMF oo soo saartay warbixinta dib u habeynta hanaanka Maaliyadda Soomaaliya
 

Jimco, November, 1, 2024 (HOL) - Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinteeda ku aadan hannaanka dib u eegista 4-aad wajigiisa 2-aad, kadib shirar ay yeesheen IMF iyo dowladda Soomaaliya oo ka kala dhacay dalalka Turkiga iyo Mareykanka.

Warbixinta ay soo saartay IMF ayaa lagu amaanay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ku bixisay horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib u habeynta hanaanka maamulka maaliyadda dalka, sida sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

Waxaa sidoo kale IMF ay warbixinteeda ku xustay in loo baahan yahay in dowladda Soomaaliya ay labo jibaarto daadalada lagu dardar gelinayo kordhinta Dakhliga gudaha si kor loogu dakhliga gudaha.

Hay'adda Lacagta Aduunka ayaa sido kale sheegtay in dakhliga gudaha dalka uu kordhay boqolkiiba 4 sanadkaan 2024 iyo sanadka soo socda ee 2025, taasi ay keentay waxyaaha Soomaaliya dibadda u dhoofiso iyo xaawaalaha oo dadka Soomaaliyeed ay lacagaha dibadda looga soo diro aad ugu tiirsan yihiin.

"IMF iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku is af-garad ka gaaray hanaanka la socodka sharuudaha barnaamijka ECF ee Soomaaliya ee lagu la socoda hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ee ECF ( Extended Credit Facility)" ayaa lagu yiri Warbixinta Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa bogaadiyay warbixinta IMF ah kasoo saartay shirkaan dib u eegista barnaamijka hanaanka Maaliyadda Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay xoojinta dakhliga gudaha dalka iyo sii wadadid hanaanka dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya.

Shirkaan IMF iyo dowladda Soomaaliya ku dhexmaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa masuuliyiinta ka qeybgashay ka mid ahaa Wasiirka Badroolka Soomaaliya, guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Hay'addaha dowladda Federaalka iyo Hay'addaha Maaliyadda caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.