11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2024
Somaliland oo dowlada Soomaaliya ku eedaysay dagaal maalintii labaad ka socda Aaga Qorilugud
 

Jimco, November, 1, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ciidamada SSC Khaatumo ku eedaysay in ay weerar kusoo qaadeen dadka deegaanka Qorilugud, dagaalka oo khasaare gaystay ayaa galay maalintii labaad.

War kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Guddaha ayaa lagu sheegay in ciidamo huwan ah iyo kuwo xagjir ah oo ku sugan bariga Sool ay soo weerareen dadka deegaanka, lakiin ay iska difaaceen ciidamada deegaanka iyo kuwa Somaliland.

"Kooxaha Huwanta iyo argagixisada bari magaalada Laascaanood ayaa weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degaanka Qorilugud maalintii khamiista iyagoo dadka degaanka iyo Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somalilandna kala kulmay dhirbaaxo kulul iyo khasaare baaxadleh oo soo gaadhay Kooxaha huwanta ah" ayaa lagu yidhi warka.

Warku waxa uu intaa ku daray in maanta ay mar labaad weerar kusoo qaadeen degaanka Shangeed ee u dheexaya magaalooyinka Qorilugud iyo Buuhoodle, isla markaana ay markale la kulmeen jab.

"Dagaalkan ayaa ah mid ay soo abaabushay kana soo shaqaysay Dawladda ka dhisan Muqdisho, iyada oo ku doonaysa in lagu dhaawaco hanaanka Dumuqraadiyada iyo doorashooyinka ka socda Jamhuuriyadda Somaliland oo maalmo koobani ka hadhsan yihiin" ayuu warku ku daray.

Ugu danbayn waxa warka lagu yidhi "Ciidamada Somaliland diyaar ayay u yihiin difaaca Somaliland iyo cadowkasta oo isku daya in uu is hortaago horuumarka iyo doorashooyinka".

Dagaalkan oo galay maalintii labaad ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Shangeed ee u dhaxeeya Buuhoodle iyo Qorilugud, dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamada SSB oo garabka ka helaya kuwa Somaliland iyo Ciidamada SSC Khaatumo oo dhinaca kale ah.