11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2024
Xisbiga uu hogaamiyo Sheekh Shariif oo soo dhoweeyay Magacaabista Guddiga Doorashada Jubaland
 

Axad, November, 10, 2024 (HOL) - Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhoweeyay magacaabista Guddigii Doorasho ee xalay uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Xisbiga Himilo Qaran  ayaa sheegay in ay ku bogaadinayaan tallaabada Dastuuriga ah ee uu qaaday Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee ku aadan magacaabista Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.

Xisbiga Himilo ayaa shaaca ka qaaday in ay kasoo hor-jeedaan siyaasad ay ku tilmaameen mid gurracan ee qoor-qabad ah oo ay madaxda Federaalku kula dhaqmayaan Dowlad Goboleedyada Dalka.

Xisbiga Himilo Qaran waxa ay si adag uga digeen in Dowladda Federaalku abaabusho kacdoonno hubaysan oo lagu khalkhal gelinayo xasilloonida iyo nidaamka ka jira Dowlad Goboleedka Jubaland.

Halkaan hoos ka akhriso Bayaanka kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran:-