11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2024
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Jabuuti ay ka Xuntahay Horumarka Somaliland
 

Talaado, October, 12, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Jabuuti ay Somaliland usoo jeedisay eedo aan sal iyo raad lahayn, isla markaana ay ka xumaatay in Somaliland ay Itoobiya heshiis la gasho.

"Jabuuti waa dowlada ugu dhaw Itoobiya caalamka oo dhan ee la macaamisha hadana ka xanaaqsan maxay Somaliland Itoobiya ula macaamilaysa, waliba eedo aynaan lahayn ayay inoo soo jeedisay, shir ayaa nalagu khayaameeyay, dhabarka ayaa nalaga jabiyay" ayuu yidhi Biixi.

Waxa uu sheegay in reer Somaliland ay walaaltinimo iyo wanaag u hayaan dowlada Jabuuti, lakiin Jabuuti ay ka xuntaay kali ah in ay Somaliland wax qabsato, waxa uu sheegay in anay Somaliland qabanin in lagu yidhaa maxad Itoobiya ula hadlaysaan.

Waxa uu sheegay in Somaliland anay Jabuuti khayaamo kula kicin, lakiin shir uun lagu qabtay Jabuuti, kaasi oo aan heshiis laga soo saarin lakiin lagu balamay in laysku soo noqdo oo kali ah.

Waxa uu ugu baaqay in berri shacabka Somaliland ay muujiyaan midnimo iyo qaranimo, isaga oo sheegay in markii ugu horaysay ay Somaliland heshay dowlad diyaar u ah in ay aqoonsato, taasi oo ah Itoobiya.

Dowlada Jabuuti ayaa kamid ahayd dowladaha sida gaar ka ah uga cadhooday is-afgaradkii Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo qaaday talaabooyin ay ku hor istaagayso.