Hiiraan Online
11/25/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2024
Xisbiga Himilo Qaran oo cambaareeyay dhibaato la sheegay in Dhalinyaro KGS kala kulmeen laamaha amaanka
Arbaco, November, 13, 2024 (HOL) - Xisbiga Himilo Qaran ayaa si kulul u cambaareeyay falkii ay xalay laamaha amaanka federaalka Soomaaliya ay ku kala ceeriyeen dhalinyaro kasoo jeeda degaanada Koofur Galbeed Soomaaliya kuwaasi oo u dabaaldagayay maalinta calanka Koofur Galbeed oo ku beegnayd 13ka November.
Dhalinyaro badan oo sitay calanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xalay buux dhaafiyay isgooyska KM4 iyo agagaarkeedi iyagoo xusaayay maalinta Calanka Maamulkaasi, waxaana dhibaatada la sheegay inay kala kulmeen laamaha amaanka kusoo baxay xildhibaano iyo siyaasiyiin caan ah oo kasoo jeeda Koofur Galbeed kuwaasi oo dhankoodi dhalinyarada ugu baaqay inay isdejiyaan si nabad ahna ku dabaaldegaan ayna la hadleen laamaha amaanka G.Banaadir.
War saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu yiri "Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaaraynaayaa dhibaatada loo geystey dhalinyarada reer Koofur Galbeed Soomaaliya (KGS) ee iyagoo si nabad ah u dabaal degaayay ciidan loo adeegsadey, halkaasna ay ka soo gaartay dhaawacyo iyo dhibaato, Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra'yigiisa iyo in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama isu-soobaxyo nabdoon iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn sida uu qabo qodobka 18d (1) iyo qodobka 20 (1) ee Dastuurka KMG ah"
Laamaha amaanka Gobolka Banaadir wali ma aysan ka hadal dhibaatada qaar kamid ah dhalinyaradaasi kasoo gaartay rasaasta ay tureen ciidamada Dowladda, waxaana saacadihii lasoo dhaafay isasoo taarayay cambaareynta loo jeedinayo laamaha amaanka xadgudub loo geeystay dhalinyaraadaasi ku dabaaldegaysay isgooyska KM4.
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARMURTIYEEDKA XISBIGA HIMILO QARAN OO DHAMEYSTIRAN:-