11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2024
Dowladda Federaalka oo beenisay inay xirtay Page kii Saciid Deni iyo baaritaan lagu haayo cidii ka dambeeysay dhowr Page oo la xiray
 

Jimco, October, 15, 2024 (HOL) - Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheikh Yuusuf Al Cadaala ayaa ka jawaabay eedeyn Dowladda Federaalka uga timid Maamulka Puntland taa oo ahayd inay xirtay Page kii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Wasiir Al Cadaala ayaa ku tilmaamay eedeyntaasi mid aan raad lahayn, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay warqadii eedeeynta ee katimid Puntland inaysan ahayn mid mas'uuliyad xambaarsan.

"Annaga oo sharci mari karna, ma jirto wax nagu qasbaayo tuugeysi, waxaan kuu cadeenayaa in xitaa wasiiro ka tirsan Dowldda dhexe la xiray akoonadii ay ku lahaayeen Facebook" ayuu yiri Wasiir Al Cadaala oo wareysi siinayay mid kamid ah TV yada maxaliga ah ee ka howlgala Muqdisho.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caadala oo ka ayaa ku cel celiyay in dowladda aysan wax lug ah ku lahayn, isagoo caddeeyay in baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono.

Waxaa baraha bulshada ka taagnaa maalmihii la soo dhaafay xaalad saameyn weyn ku yeelatay xubno muhiim ah oo bulshada ka tirsan, oo ay ka mid yihiin wasiirro, saraakiil sare, saxafiyiin iyo xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka.

Ololahan isku-dubaridan ayaa xitaa saameyn ku yeeshay madaxda sare ee dowladda, oo ay ku jiraan Wasiirka Beeraha iyo Wasiirka Amniga.

Mustafe Sheekh, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa tilmaamay in arrintani ay si weyn u saameysay madaxda, saxafiyiinta iyo mas’uuliyiinta dowladeed, taasina ay muujineyso daldaloollo dhanka siyaasadaha isgaarsiinta ee Facebook taasoo u baahan in la saxo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay Meta ka codsatay in tallaabo degdeg ah la qaaddo si looga hortago falalka noocan oo kale ah mustaqbalka.