11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2024
Soomaaligii ugu horreeyay oo hoggaamiye ka noqda aqalka Senetka ee Gobolka Oregon
 

Isniin, October, 18, 2024 (HOL) - Aqalka Senetka ee Gobolka Oregon ayaa Hoggaamiye u doortay Senator Keyse Jaamac oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Keyse Jaamac, oo matalaya degmada 24-aad ee Oregon, ayaa waxaa doortay xisbiga  Dimuqraadiga, kuwaas oo haysta aqlabiyadda aqalka Senate-ka oo dhan 16 kursi marka loo eego Jamhuuriga  oo haysta 12.

Senator Jaamac ayaa guusha doorashadiisa ku tilmaamay inay ku timid waaya-aragnimada dheer ee uu u leeyahay howlaha bulshada.

"Waxaan afar sano ahaa senator-ka Oregon, anigoo helay khibrad qiimo, dad badanna waan lasoo shaqeeyay. ka hor xilkan, waxaan si qoto dheer ugu lug lahaa caawinta qaxootiga ka soo jeeda meelo kala duwan,” ayuu yidhi.

Oregon, oo ah gobol ay ku nool yihiin dadyow kala duwan, ayaa horumar ka sameeyay dhanka matalaadda, iyadoo ay hadda shaqeeyaan afar senator oo madow ah.

Senator Jaamac ayaa sidoo kale ah shaqsigii ugu horeeyay oo Muslim Madow ah oo loo doorto senate-ka Oregon.

“Dadku si diirran ayay ii soo dhaweeyeen, laga bilaabo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka illaa dadka Oregon. Taageeradooda ayaa si qoto dheer ii dhiirigelinaysa,” ayuu u sheegay BBC.

Doorashadiisa waxa ay hoosta ka xariiqday saameynta siyaasadeed ee sii kordheysa ee Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, gaar ahaan gobollada ay ka midka yihiin Minnesota oo ay Soomaalida ku badan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Keyse Jaamac ayaa hadda ka soo baxay gobollo ay ku nool yihiin tiro yar oo Soomaali ah, taas oo muujinaysa sida ay bulshada Soomaalidu ugusii fidayso siyaasadda Maraykanka.