1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2024
Natiijada Doorashada Madaxtooyada iyo Ururada Somaliland oo Lagu Dhawaaqay
 

Talaado, October, 19, 2024 (HOL) - Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro loo doortay madaxweynaha 6aad ee Somaliland, sidookale, xisbiga Waddani, ururka Kaah iyo xisbiga Kulmiye ayaa xisbinimo ku guulaystay.

Tirada guud ee codadka la dhiibtay doorashada madaxtooyada Somaliland waa 647,863, halka tirada guud ee codadka ansaxay lagu sheegay 638,126, sidookale 9,528 cod ayaa xumaaday.

Cabdiraxmaan Cirro oo ka sharaxnaa xisbiga Waddani, ayaa ku guulaystay codad dhan 407,908 oo u dhiganta 63.92%, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo ka sharaxnaa xisbiga Kulmiye ayaa isna helay 225,519 cod oo u dhiganta 34.81%, halka uu musharixii xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe uu helay 4,699 oo u dhiganta 0.74.

Doorashada xisbiyada oo ku lamaanayd doorashada madaxtooyada, ayaa tirada guud ee codaysay lagu sheegay 646,188 oo u dhiganta 53% halka 630,812 cod oo u dhigma 98% ay ansaxeen.

Xisbiga Waddani ayaa helay codad dhan 216, 284, xisbiga Kulmiye oo ku xigay ayaa helay 108,100 halka ururka Kaah-na uu helay 131,507, sidaana waxay ku noqdeen saddexda xisbi ee Somliland ka arrimin doona 10ka sanno ee soo socda.

Sidookale, ururka Barwaaqo ayaa helay 16,852 cod,  ururka Rajo ayaa helay 2083
ururka Horseed ayaa helay 78,218 cod,
ururka Talowadaag ayaa helay 6080 xisbiga UCID ayaa helay 10,105 cod, Hillaac ayaa helay 59,569 cod, ururka Shacabka ayaa helay 2014. Ururadan ayaa dhamaantood waayay doorashada.