11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2024
Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland
 

Talaado, October, 19, 2024 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo shacabka Somaliland kaddib doorashadii madaxtinimada ee halkaas ka dhacday 17-kii November.

Qoraal lagu faafiyay barta X, ayay safaaraddu ku ammaantay hannaanka doorashada ee Somaliland oo ay ku tilmaantay mid Tusaale u ah gobolka, iyada oo ku ammaantay sida ay Somaliland uga go’an tahay mabaadi’da dimuqraadiyadda.

“Dawladda Maraykanku waxay u hambalyaynaysaa shacabka Somaliland iyo madaxweynaha la doortay ee Cabdiraxmaan Cirro. Somaliland doorashooyinkeeda waxay tusaale u yihiin gobolka,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhambaalka hambalyada ah ayaa imaanaya ka dib markii guddiga doorashooyinka Somaliland ay saakay ku dhawaaqeen natiijada hordhaca ah, taasoo ay ku sheegeen inuu si aqlabiyad ah madaxweynaha Somaliland ugu guulaystay Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu helay 63.92% codadkii la dhiibtay, isagoo ka adkaaday Madaxweynaha talada haya ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo helay 34.81%.

Xisbiga UCID oo helay 0.74% oo kaliya, waxa uu lumiyay maqaamkii xisbinimo, waxaana booskiisa galay ururka Kaah sida ay dhigayaan shuruucda doorashooyinka Somaliland.