11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2024
Liiska xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo la shaaciyay lana dhaariyay
 

Talaado, October, 19, 2024 (HOL) - Guddiga doorashada jubbaland ayaa shaaciyay liiska xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo ka kooban 75 xubnood, iyagoo isla galabta lagu dhaariyay magaalada Kismaayo.

Xildhibaano ka socday labada aqal ee baarlamaanka ayaa ka qeyb galay dhaarinta xildhibaanada. Baarlamaanka cusub ee Jubbaland ayaa noqday baarlamaankii ugu horreeyay ee muddo kooban lagusoo xulay.

Durbaba waxaa hambalyo u diray siyaasiyiin uu kamid yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed.

Dhismaha baarlamaanka Jubbaland ayaa kusoo aaday, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka hortimid doorashadda Jubbaland, iyadoo sheegtay natiijo kaste oo kasoo baxda doorashada Jubbaland inay tahay xaaraan aan sinaba loo aqbalidoonin, sida uu sheegay raysal wasaare Xamse.

Si kasta ha ahaatee, 25 ka bishaan ayaa loo madlan yahay in la qabto doorashada madaxweynaha jubbaand. Illaa iyo hadda ma jiro musharax isku diiwaan galiyay inuu la tartamo madaxweynaha Jubbaland.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa qaadacay doorashada  Jubbaland, iyadoo ku eedeeyay madaxweynaha Jubbaland inuu maroorsaday hannaanka doorashada, uuna keensaday guddi doorasho oo kalsooni ka haysan mucaaradka danaynaya doorashada madaxtinimada.