11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2024
Agaasimahii Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya oo goordhaw is casilay
 

Sabti, November, 2, 2024 (HOL) - Agaasimahii Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige ayaa goordhaw shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu ka haayay madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal dheer oo uu soo saaray ayaa ku sheegay Cabdulqaadir Cali Dige in maanta oo Sabti ah uu isaga tagay xilkii uu ka hayay Villa Soomaaliya, wuxuuna mahadcelin balaaran u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 2’da Nofeembar 2024 waxa aan halkan ku soo gudbinayaa warqadda shaqo ka tegista xilka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka (Villa Soomaaliya) aniga oo Madaxwaynaha JFS uga mahad celinaya fursaddii uu ii siiyay in aan la shaqeeyo laba xilli oo xasaasi ahaa” ayuu ku yiri warqadda is casilaadda Cabdulqaadir Cali Dige.

Agaasimaha is casilay maanta ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku xusay in mudadii uu joogay xafiiska uu kasoo shaqeeyay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Waxaa xusid mudan inaan hirgeliyay olole warbaahin oo miradhalay, kaasoo madaxweyne hore loo soo tijaabiyay uu markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya ku guuleystay tartanka madaxtinimada muddo xileed labaad” ayuu yiri Agaasimahii hore ee Warfaafinta Villa Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige.

Cabdulqaadir Cali Dige qoraalkiisa kuma shaacin sababta rasmiga ah ee keentay inuu iska casilo xilkaan, waxaase warar hoose oo aan la xaqiijin ay sheegayaan in iscasiladiisa ay salka ku hayso khilaaf mudo si hoose usoo jiitamaayay oo kala dhexeey afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyf oo bilooyin kooban ka hor la magacaabay.

Hoos ka akhriso Qoraalka Iscasilaada Agaasimahii Madaxtooyada Soomaaliya:-