1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2024
Xoghayihii hore ee difaaca UK oo sheegay in Donald Trump uu aqoonsanayo Somaliland
 

Arbaco, October, 20, 2024 (HOL) - Sir Gavin Williamson, xoghayihii hore ee difaaca ee Boqortooyada Midowday, ayaa sheegay in Donald Trump uu dhowaan wadahadalo la yeeshay kooxdiisa ku aaddan aqoonsiga Somaliland, taas oo noqon doonta tallaabo muhiim ah oo siyaasadeed, sida uu u sheegay wargeyska The Independent.

Sir Gavin ayaa ku kalsoon in Trump uu arrintan qaadi doono marka uu xafiiska la wareego bisha Janaayo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay u leedahay muhiimad geostrategic, gaar ahaan marka loo eego badda Cas.

Xoghayihii hore ee difaaca UK ayaa hormuud ka ahaa olole ballaaran oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland, oo ah qayb ka mid ah degaanada Soomaaliyeed ee uu Ingiriisku gumaystay, isla markaana muddo ka badan 30 sano olole ugu jirta inay ka go'do Soomaaliya inteeda kale.

Arrintaan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay dhawaan ku guulaysatay doorasho xor iyo xalaal ah oo uu ku guulaystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, hoggaamiyaha mucaaradka, isagoo helay 53% codadkii doorashada.

Aqoonsiga Somaliland ayaa ah mid weli ka taagan muran, waxaana arrintan laga yaabaa inay saameyn ku yeelata siyaasadda gobolka iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.