1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2024
Safiirka Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya oo raali gelin ka bixiyay hadal uu ugu gafay madax-banaanida Soomaaliya
 

Arbaco, October, 20, 2024 (HOL) - Safiirka Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa raali galin iyo cudur daar ka bixiyay hadal uu ugu gafay Madax-banaanida iyo Wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya xilli uu ka qeyb galayay indha indheenta habsami socodka Doorashadii ka dhacday degaanada Somaliland oo xubno ka socday Safiirada Caalamka Soomaaliya u fadhiya ay kusugnaayeen magaalada Hargeysa.

Safiirka waxa uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, isagoo ka jawaabay, una hoggaamsamay u yeeristii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

“Denmark waxay ixtiraamaysaa midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa X Danjire Steen Sonne Andersen.

Safiirka waxa uu intaas raaciyay hadalkiisa “Labada Dowladood ee Denmark iyo Soomaaliya waa labo dal oo uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, kana wada shaqeeya arrimo badan oo ay ku jiraan dhismaha dowladnimada, isbedelka cimillada iyo nabadda iyo amniga,”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa horay digniin ugu dirtay diblomaasiyiinta qaar, iyadoo uga digtay inay ku xadgudbaan madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.