1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2024
Dowladda Japan oo qalab casri ah ku wareejisay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya


Jimco, October, 22, 2024 (HOL) - Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dowladda Japan kala wareegay qalab casri ah oo loogu tala galay ciidanka Booliska, gaar ahaan qeybta miino baarista.

Qalabkaan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta iyo sare u qaadista ka hortagga walxaha qarxa, waxaana madasha qalabkaan lagu wareejinaayay sidoo kale goob joog ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya Yuusuf Cali Maxamed.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya  Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan agabkaan ay ugu deeqday ciidanka Boliiska, gaar ahaan qeybta Miino Baarista, isagoona xusay in qalabkaan uu yahay mid ka hortagaya walxaha qarxa ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

"Talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha Horumarinta iyo sare uqaadista awoodda ka hortagga walxaha qarxa, iyadoo qeybtan ay tababareen Hay'ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Miino Baarista ee (UNMAS)" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya.

Ugu dambeyntii dowlada Japan ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn uga taageerada dowlada Fedaraalka Soomaaliya dhinacyada sare u qaadista ciidanka iyo waliba horumarinta Soomaaliya.