1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2024
Turkiga oo sameeyay sare u kac wax soosaarka Saliida Ceyriin iyo Shidaalka Dabiiciga ah
 

Jimco, October, 22, 2024 (HOL) - Wax soo saarka Saliida ceyriinka Turkiga ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay abid taas oo ah 3.3 million oo fuusto ah halka wax soosaarka gaaska dabiiciga ee dalkaas gaaray 234.4 million kiyuubik mitir sida ay wasaarada Tamarta dalka Turkiga ay ku sheegtay war qoraal ah ay soo saartay.

Bishii October waxay xustay in wax soo saarka saliida iyo gaaska dabiiciga ah ee maalinlaha ah uu ahaa celcelis ahaan ahaan 108,443 fuusto 7.5 million kiyuubik mitir.

23ka iyo 29ka Bishii October waxa ay wasaaradu sheegtay inay ahaayeen maalmo ay kordheen wax soo saarka saliida Ceyriinka iyo Gaaska Dabiiciga ah, waana halka laga qaatay xogta ah korarka soo saarka dalka Turkiga ee Saliida ceyriin iyo Gaaska.

Sare u kaca saliida iyo gaaska dabiiciga ee maalin la ah  ee dalkaasi Turkiga waxay kutimid dadaalada sahmin iyo soo saarka shidaalka oo ay ka sameeysay degaanada Waqooyi ee dalkaasi iyo sidoo kale badda madow.

Turkiga ayaa sanadkan sii dhammaanaya ee 2024 diiradda saaray gaaska iyo shidaalka.

Markabka baaritaanka ee Turkiga ee Oruç Reis ayaa bishii lasoo dhaafay soo gaaray Soomaaliya si uu qiimeyn iyo shidaal baaris uga sameeyo, Howlgalkan ayaa la filayaa inuu ugu badnaan qaato toddoba bilood.