1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 24, 2024
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Tahriibayaal Soomaali ah oo dooni kula degtay Jaziirada Madakaskar
 

Axad, November, 24, 2024 (HOL) - Safiirka Midowga Afrika u fadhiya dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Xaaji Warfaa oo wareysi siinayay warbaahinta dowladda ayaa faahfaahin ka bixiyay doonyo siday in ka badan 70 qof oo tahriibayaal Soomaali ah oo ku qalibmay Jaziirada Madakaskar.

Safiir Cabdullaahi Warfaa ayaa sheegay in doomahan oo ahaa laba ay saarnayeen 70 qof, waxaa ku Geeriyootay in ka badan 28 Soomaali ah, halka 48 ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay soo bad-baadiyeen kaluumeysato u dhashay jaziirada ay musiibadu ka dhacday ee Madakaskar.

Warfaa ayaa shaaca ka qaaday in safaaradda ay waddo qorsha ah in dadka inta bad baaday sidii dalka loogu soo celin lahaa ay ka shaqeyneeyso ayna si dhaw ula socon doonaan dadka qaba dhaawacyada ee hadda gacanta ku heyso xukuumadda jaziirada Madakaskar.

Ugu dambeeyn Safiirka ayaa si guud waxa uu tacsi ugu diray dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaasi Soomaaliyeed, isagoona sheegay in safaaradda waddo dadaallo lagu ogaanayo halka laga soo ka xeeyay dadkan iyo goobta ay u socdeen.

Ma ahan markii ugu horeeysay ay Soomaali tahriibayaal ay naftooda ku waayaan biyaha caalamiga ah waxaana ay iyagoo nolol wanaagsan raadinaya ay naftoodi ku haligaan badda si ay wadamada Yurub u gaaran.