1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2024
Axmed Madoobe: Xamsow kuwa kaa waawayn ayaa ku guulaysan waayay inay dumiyaan jubbaland
 

Isniin, November, 25, 2024 (HOL) - Axmed Madoobe oo maanta markii sadaxaad loo doortay madaxweynaha Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ciidamo kusoo daadgureysay degaanka Raaskambooni, iyagoo qorsheynaya inay weerar kusoo qaadaan magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in ficilkan uu yahay mid lagu doonayo in ciidamada qalabka sida looga weeciyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Wuxuuna ku adkeystay in ciidamo aan Jubbaland ahayn aysan ka howlgali karin magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa si gaar ah weerar afka ah ugu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isagoo ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo in dagaal laga abuuro Jubbaland. Wuxuu uga digay ra’iisul wasaaraha inuu ficiladiisa ku dhaxli karo mustaqbal xumo.

“Waxaan ku leeyahay Ra’iisul Wasaare Xamsow, taariikhdu beribay qormi doontaa. Deegaankaan baad kasoo jeeddaa. Inaad dagaal u xaydxaydato, oo aad dhahdo Jubbaland baa la dagaalamayaa. Kuwa adiga kaa waaweyn ayaa isku dayay kumana guulaysan. Dowladday ahaayeen kuwii farta iigu yeerayay, laakiin waxaan ku faanayaa inaan Soomaali ahay,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay inuusan marna ogolaan doonin in dowlado shisheeye ay dhexdhexaadiyaan arrimaha Soomaaliya, isagoo iska fogeeyay dhankiisa inuu xiriir dhow laleeyahay dowladaha Ethiopia iyo Kenya.

“Kenyaan ma ihi, Ethipian ma ihi. Soomaali baan nahay. Soomaali wada hadalkeeda ayaan diyaar u tahay. Ma doonayo in ajnebi farta noogu yeero. Xasan Sheikh waxaan u sheegayaa dowlado haku wareegin oo dalka dib u celin,” ayuu yiri Axmed Madoobe.