12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 29, 2024
Talyaaniga oo Dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Keydad Sharciyo iyo Daraasado laga sameeyay 1950-1990
 

Jimco, November, 29, 2024 (HOL) - Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Talyaaniga waxa ay Dowladda Soomaaliya ku gudoonsiiyay keydad Shuruucdii ay Soomaaliya lahayd intii u dhaxeeysay 1950 ilaa 1990kii iyo daraasad ku saabsan horumarinta Afka Soomaaliga ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Cadaalada ee Soomaaliya.

Madashaan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Faarax Cabdulqadir iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaalada iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya iyo mas'uuliyiin kale.

Howshaan waxaa dadaal galisay haweeyneeda la yiraahdo Prof. Annarita Puglielli, Agaasimihii hore ee Xarunta Daraasaadka ee Jaamacadda Roma, waaxana ay ka dhalatay iskaashiyo ay sameeyeen Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacada Roma.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay inay tani xoojineyso xiriirka labada Dowladood ayna taarikh ahaan keydkaan muhiim u yahay tariikhda shuruucda iyo mida cilmiga af Soomaali Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku tilmaamay arintaan mid jiilka jooga iyo kuwa soo socdaba anfici doona waxaana uu uga mahadceliyay dadaalka ay Dowladda Talyaaniga ay kubixisay keydinta dhaxal Soomaaliyeed.