1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 3 , 2024
Wasiir ka tirsanaa Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo is casilay
 

Axad, November, 3, 2024 (HOL) - Wasiiru dowlihii Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa goordhaw shaaciyay inuu iscasilay, islamarkaana is casilaadiisa uu u gudbiyay Raysal Wasaare Xakuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Sababaha iscasilaadiisa ayuu ku sheegay iney qeyb ka tahay takoor uu sheegay in dowladda Fedaraalka ku hayso maamulada Jubbaland, Puntland iyo SSC Khaatumo.

Cabdirashiid Jire ayaa ka mid ahaa xubnaha golaha Wasiiradda ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Jubbland ayaa ah saaxiibka kowaad ee madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Is casilaada masuulkaan ayaa la tilmaamaya iney tahay mid la xariirto xiriirka dhaw ee kala dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo uu khilaaf adag kala dhaxeeyo madaxda Fedaraalka.

Cabdirashiid Jire ayaa Xukuumaddii uu ka tirsana ee Danqaran ku tilmaamay iney tahay mid ka shaqeyneysa dano gaar ah, islamarkaana aysan waxba ka duwaneen Xukuumaddii hore ee madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka akhriso Warqada is casilaada Wasiiru dowlahii Wasaaradda Qorsheynta:-