11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2024
Garowe: Xildhibaanada xisbiyada mucaaradka oo ku eedeeyay Deni iyo Juxa inay afduubteen doorashadii saddexda degmo ee gobolka Nugaal
 

Isniin, November, 4, 2024 (HOL) - Xildhibaanada xisbiyada mucaaradka ee Puntland ayaa qaadacay heshiis ay wada galeen xisbiga Kaah ee uu guddoomiyaha ka yahay madaxweynaha Puntland iyo madaxda xisbiyada Mideeye, Shaqaalaha iyo Runcad, kuwaas oo ku heshiiyay cidda noqonaysa guddoomiyayaasha Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

Dhammaan saddexda degmo guddoomiyayashooda waxaa wada qaatay xisbiga Kaah, waana guddoomiyayaashii horey u joogay xafiiska oo dib usoo labanaya.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni iyo wasiirka arrimaha gudaha Juxa inay faragalin ba'an ku sameeyeen xisbiyada oo ay ka horyimaadeen caqlibiyadda xildhibaanada oo doonayay in doorasho la aado, si loo fuliyo rabitaanka shacabka saddexda degmo.

Xildhibaanadu waxay sharci darro ku tilmaameen heshiiska dhexmaray xisbiyada, iyagoo sheegay in dhaawac weyn loo geystay dimuqraadiyadii curdinka ahayd ee Puntland.

Xildhibaanadu waxay ku goodiyeen inay qaban doonaan mudahaarad nabad galyo ah oo ay ku dalbanayaan in doorasho la aado. Sidoo kale waxay sheegeen inay dhexdooda iska dooran doonaan guddoomiyayaasha iyo ku xigeenada haddii laga jawaabi waayo baaqadooda.

23 kii bishii July 2024, doorashooyinkii ka dhacay saddexda degmo, dadweynaha ayaa 70% u codeeyay axsaabta mucaaradka ee isbeddel doonka ahayd.

Hase yeeshee, xeerka doorashooyinka ayaa dhigaya in xisbiyadu ku heshiin karaan inay soo wada dhistaan golayaasha degaanka.