1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2024
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Tacliinta sare ee Qaranka

Arbaco, November, 6, 2024 (HOL) - Kooramka fadhiga Xildhibaanada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku furmay 141 Mudane kuwaasi oo xaadiray Golaha shacabka waxaana loo qeybiyay ajandaha fadhigii maanta oo ahaa akhrinta seddexaad ee hindise Sharciyeedka Tacliinta sare ee Qaranka iyo u codeeynta hindise sharciyeedkaasi.

Fadhiga maanta waxaa shir Gudoominaysay Gudoomiye kuixgeenka 1aad ee Golaha shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow, waana Kulanka 35-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Intaa kadib Mudanayaasha Golaha Shacabka waxaa lala wadaagay warbixinta akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo uu ka hor akhriyay Xoghayaha guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif.

Waxaa laguda galay in Hindisahaan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, hidaha iyo Tacliinta sare in xildhibaanada ay u codeeyaan si loo ansixiyo, waxaana gacan taag ku ogolaatay 140 mudane waxaana diiday hal mudane mana jirin wax ka aamusay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay wehliso Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo muhiim u ah Tacliinta sare ee Soomaaliya.

Ugu dambeeyn kulankii Barlamaanka marka uu soo dhamaaday, Wasiir Faarax oo warfidiyeenka kula hadlay iridda hore ee Baarlamaanka waxa uu sheegay in la xaliyay cabashooyinkii ka imaanayay Midowga Jaamacadaha oo ay ka qabeen hindise sharciyeedkaan.