Hiiraan Online
11/25/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Jarmalka uga qeyb galay Shirka Maalgashiga Jarmalka iyo Afrika
Arbaco, November, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka uga qeybgalay Shirka Maalgashiga Jarmalka iyo Afrika.
newsMadaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkaan oo ah mid sanadkiiba mar qabsoomo kusoo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka Soomaaliya iyo dadaalada dowladda ee ku aadan horumarka iyo xasilloonida.
Wuxuu sidoo kale shirka ka sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in Soomaaliya ay ku guulaystay qorsheyaal isbeddel dhaqaale iyo waliba diyaarinta sharciyada dhowrista maal gashadayaasha.
"Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah oo aasaas u ah kobaca dhaqaale, shaqo abuur, la tacaalida isbedelka cimilada iyo amni darrada, isagoo bogaadiyay shirkan oo diiradda saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam soo jiita maal gashadayaasha" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxooyada Soomaaliya.
Shirkaan maalgashiga ah ee Jarmalka iyo dalalka Afrika ayaa ah mid sanad walba hal mar ka dhaca dalkaasi Jarmalka, waxaana sanad walba lagu casuuma mid ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, madaxweyne Xasan Sheekh ayaana noqday madaxweynaha sanadkaan lagu casuumay shirkaan.
Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo ku wehlinaayay shirkaan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay dhankiisa in Soomaaliya ay soo dhaweynayo maalgashadeyaasha caalamiga ah, isagoona xusay iney heli doonaan shacab ku tilmaaman firfircooni iyo hal abuur ganacsi.