11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2024
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo Codsi u Diray Bulshada
 

Arbaco, November, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa bulshada ka codsaday in ay xisbigiisa u codeeyaan, isaga oo sheegay in uu Somaliland ictiraaf u horseedi doono hadii markale la doorto.

Waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqay in ay doortaan xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in uu yahay xisbi waayo araga oo soo halgamay isla markaana xogogaal u ah xaalada Somaliland. Dhinaca kale, waxa uu sheegay in madaxda mucaaradku anay lahayn khibrad ku filan oo ay wax ku maamulaan.

Waxa uu sheegay in intii uu xilka hayay uu xidhiidho badan Somaliland u sameeyay sida Kenya iyo waddanka Gini oo ay dowlada Soomaaliya xidhiidhka u jartay, isaga oo sheegay in sidookale, heshiis aqoonsi horseedi doona uu la galay Itoobiya.

"Waxan idinka codsanayaa in aad codkiina siisaan xisbiga Kulmiye iyo musharixiisa, Kulmiye codkiina uma doonayo in uu dano gaar ah uga faa'iidaysto, anuu maanta da'ana waan joogaa, inta bini'adam la ixtiraama waan hayaa, dadkuna abaalka ma qariyaane, maanta xisbiga kali ah ee marxalada ka bixi kara waa Kulmiye" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay in ay midoobaan xiligan doorashada lagu jiro, isaga oo sheegay in Somaliland uu dagaal ku socdo, isla markaana ay dowlada Soomaaliya ugu wayntahay dadka colaada ku haya.

"Dowlada qudha ee aan ina ogolayn waata Xamar ka jirta, waayo inama ogolaba in aynu nahay dowlad jirta, wa waxyaabaha yaab ka leh ee xumaan mooyee aan wanaag kordhinayn" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Ollolaha doorashada ayaa ku jira maalmihii u danbeeyay, iyada oo uu maalmahan hadhay uu loolanku ka dhexeeyo UCID, Waddani iyo Kulmiye, Kulmiye ayaa markan la tartamaya xisbiga Waddani oo noqday mucaarad xoogan.