11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2024
Gudoomiye Saalax Dabaan " Gudoomiye Degmo Shaqadiisa waa Nadaafad ee Sharci maahan"
 

Khamiis, November, 7, 2024 (HOL) - Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay hadalo ay dhowaanahaan jeedinayeen qaar kamid ah Gudoomiyeyaasha Degmooyinka G.Banaadir oo la xiriira fulinada dhulka ama guryaha lakala haysto oo ay Maxkamadda soo xukmisay.

Gudoomiye Saalax Dabaan ayaa sheegay in Gudoomiye Degmo uusan ka hadli karin xukun maxkamad ay riday lana xiriira Guryaha ama dhulalka, ciddii sharciga ka hortimaadana la xiri doono.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa uga digay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka inay qaadi doonaan Mas'uuliyadda ka dhalata Gudoomiyihii Degmo ee soo faragaliya dhul fulin iyo Maxkamad.

"Gudoomiye Degmo waxa ay mas'uuliyadiisu tahay inuu naadafad ka shaqeeyo, maahan inuu sharci ka shaqeeyo, sharci mas'uuliyad kama saarna, xaq uu kuleeyahay ma jirto, shaqo uu ku leeyahayna ma jirto, maxkamad ayaa ka garnaqda doodaha dadka ee u dhaxeeya xaqqa iyo miilkiilaha laisku haysto cidda mas'uuliyadeeda is kaleh waa Maxkamad" ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir.

Ugu dambeeyn waxa uu Gudoomiye Saalax Dabaan shaaca ka qaaday inaysan xukun ay rideen aysan kusoo wargelineeyn Gudoomiye Degmo.