Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2024
NISA oo Muqdisho ku qabatay xubno Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Sahanka
Khamiis, November, 7, 2024 (HOL) - Taliska hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigay laba xubnood oo kooxda Al-shabaab u qaabilsana dhanka Sahanka.
War qoraal oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in labadaan xubnood ay xogtooda hayaleen ciidanku, islamarkaana mudo badan kadib ugu dambeyn gacanta lagu doo dhigay.
Xubnahaan NISA ay gacanta kusoo dhigtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Sakariye Saciid Cabdullaahi iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda, kasoo si hoose ula shaqeynaayay Al-shabaab.
"Labada dhagar qabe ee la qabtay ayaa kala ah dhagar-qabe Sakariye oo uu dhalay Saciid Cabdullahi Sulsul oo Khawaarijta u qaabilsan qaybta sahanka goobaha ay damacsan yihiin in ay shacabka ku dhibaateeyaan ee Gobalka Banaadir iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sargaal ka tirsanaa dowladda kaas oo qiyaanay dowladdiisa iyo shacabkiisa" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.
NISA waxay sidoo kale qoraalkeeda ku cadeysay in xubnaha la qabtay ay qirteen fal dambiyeedka lagu soo qabtay iyo waxyeelo kale ay u geysteen dad shacab ah.
Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay NISA oo dhameystiran:-