1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2024
Taliyaha ciidamada difaaca Kenya oo booqday ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbaland
 

Khamiis, November, 7, 2024 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya General Charles Kahariri, ayaa booqday ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee ka hoos shaqeeya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Gen. Kahariri ayaa la kulmay ciidamada Kenya ee ku sugan magaalooyinka Dhoobleey iyo Kismaayo, isagoo ku ammaanay sida ay ugu heelan yihiin horumarinta nabadda, iyo xasiloonida Soomaaliya.

Gen. Kahiriri ayaa muujiyay muhiimada dadaalka ay ciidamada Kenya ugu jiraan  taageeridda nabadda Soomaaliya isagoo rajo ka muujiyay mustaqbalka dalka.

Iyadoo howlgalka ATMIS uu u wareegayo howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), wuxuu ku booriyay ciidamada Kenya inay feejignaadaan oo ay iska ilaaliyaan khatarta kooxda Alshabaab.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah sida uu taliyuhu sheegay, dadaallada Kenya ay ku xaqiijineyso in ciidamadeeda ay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan isbedellada soo socda, kaasi oo ka dhigan in howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu galayo waji cusub oo bilaabanaya Janaayo 2025-ka.

Sarkaalkan ayaa tilmaamay in Kenya ay ka go’an tahay in ay joogteyso joogitaanka ciidamadeeda gudaha Soomaaliya, si ay uga hortagaan khatarta kaga imaanaya Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii hore booqasho ku tagay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isagoo la kulmay Madaxweyne William Ruto, isagoo kala hadlay mustaqbalka ammaanka Soomaaliya ee ku aaddan kala-guurka ATMIS-ka ee lagu wareejinayo AUSSOM.

Kenya ayaa isku diyaarinaysa inay qeyb ka ahaato howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya. Madaxweynaha Kenyaa horey u sheegay in ciidamadiisa ay sii joogayaal Soomaaliya.